Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Daah-furay Shirka Casriyaynta Hay’addaha Dowladda (Daawo)
    Puntland

    Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Daah-furay Shirka Casriyaynta Hay’addaha Dowladda (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda.

    Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa Ku-simahaMadaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaasha Hay’addaha Madaxa-banaan iyo kuwa Wasaaradaha Dowladda, Qaryaqaanada Dowladda iyo khuburo kale.

    Madaxweyne Karaash oo daah-furay shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leeyahay shirkani oo socondoona muddo laba cisho ah, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo shirkani kusoo bandhigtay doormuhiima oo ay ka qaadatay dib u habaynta shaqaalaha dowladda.

    Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad ballaaran xanbaarsan, waxa uu tilmaamay in shaqadan ay horay u soo socotey ujeedkuna uu yahay in Wasaarad walba shaqadeeda lagu jaheeyo.

    Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dib u habayn, qaabayn iyo dib u casriyayn lagu sameeyo shaqaalaha dowladda, waxaana ay beyaamiyeen in shirkan iyo kuwa kale ee horay u qabsoomayba qayb ka yihiin dedaalada dowladdu ku tayaynayso hay’addaha dowladda Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha kala duwan ee dowladda kula dar-daarmay inay dhaqan-geliyaan arrimaha shirka kasoo baxa, taas oo meesha ka saaraysa mad-madow horay u jiray.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/282901709304523/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.