Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland (Daawo)
    Puntland

    Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

    Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal.

    Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

    “Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso”

    “Shirkaas waxaa shir guddoominayey kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabdkiisana waa la arki doonaa Insha Alla, shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono”

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/1933274403445890/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.