Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland (Daawo)
    Puntland

    Garoowe: Madaxweyne Karaash oo Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

    Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal.

    Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

    “Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso”

    “Shirkaas waxaa shir guddoominayey kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabdkiisana waa la arki doonaa Insha Alla, shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono”

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/1933274403445890/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.