Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garoowe: Shir Lagaga Arinsanayey Tayeynta Shaqaalaha Dowladda oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland
    Puntland

    Garoowe: Shir Lagaga Arinsanayey Tayeynta Shaqaalaha Dowladda oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Shir lagaga arrinsanayey tayeynta shaqaalaha Dowladda Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelinlahaa uruurinta xogta shaqaalaha, dowladda, ka warqabka xaaladda shaqaalaha iyo Tayaynta shaqaalaha laf-dhabarta u ah dowlad-nimada.

    Kulankan oo ay goob-joog ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, (Ina Abdiladif) Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Abdiweli Cali Timacade (Abdiweli Ali Timacade) Agaasimaaal iyo saraakiil ka kala socdey Wasaaraddaha Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana (Ahmed Tigaana Abdalla) ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada-hadlay kulanka.

    “Waxaan maanta is kugu nimid shir ka dhacay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkaasi waxaa uu ku saabsanaa sidii xog la iskaga siinlahaa loona dar-dargelin lahaa barnaamijka shaqaalaha dowladda oo mudo dad khuburo ah gacanta ku hayeen, barnaamijkaas waxaa uu soo maray xaalado kala duwan waxaa kasoo qayb galay Wasaaraddaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda si loo eego shaqaalahooda wixii maqan, si xogta shaqaalaha loo ogaado ayaa la iskuguyeeray, wuxuuna kusoo dhammaaday guul” Ayuu yiri Agaasime Tigaana.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.