GMS oo midaysan in ay soo saaraan mowqif cad oo ay kuwada socdaan,waa guul weyn laga gaaray Shirkii burburay.
Xasan kuma farxin wada socodka GMS,wuxuuna ka shaqaynayay maalmihii lasoo dhaafay in uu kala xodxoto,waase ku guul daraystay.
Haatan Warqadan iyo fariintii kasoo baxday Maraykanka,waa cadaadis weyn oo Xasan fuulay.
Sidoo kale kulanka BC iyo GMS,waa cadaadis kale oo waxtar uleh dalkan in uu doorasho loo dhan yahay aado.
Maraykanku si cad,wuxuu usheegay khilaafka Somalidu in uu saamayn doono xiriirka BC iyo dagaalka argagixisada,waana fariin oranaysa….
(Majiri doonto cid aan gaar utixgelin doono),taasna,waxay udaran tahay Xasan oo waxa uu haysto oo kaliya ay tahay aqoonsiga Caalamka.


