Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay heshiiska doorashooyinka Soomaaliya
    Somalia

    Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay heshiiska doorashooyinka Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 30, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiskii khamiistii ay wada gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ku saabsan hirgelinta Qaabkii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.

    War-saxaafadeed ay sii daayeen, 15-ka xubnood ee golaha ammanaka qaramada Midoobay ayay ku bogaadiyeen hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya oo muujiyay bisayl iyo tanaasul loogu turayo shacabka.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen ballanqaadkii ahaa in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, lana xushmeeyo qoondada haweenka ee ah 30% baarlamaanka.

    Golaha ammaanka wuxuu ku booriyay dhamaan dhinacyada inay sii wadaan wada hadalka furan iyo wax dhisid. Waxayna soo dhoweeyeen in la sameeyo hannaan nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.