Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka QM oo ka shiray xaalada cakiran ee Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    Golaha Ammaanka QM oo ka shiray xaalada cakiran ee Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyada, kaddib shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

    Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay qolaha Ammaanka, maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qodobadii shirkaas looga hadlay iyo waxyaabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

    “Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaay ergada Norway ee Golaha Ammaanka.

    Waddanka Irealand oo isna ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa diray farriin taa la mid ah, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

    Safiirka India ee Qaramada Midoobay T. S. Tirumurti ayaa boggiisa Twtitterka soo bandhigay afar qodob oo uu sheegay inuu uga hadlay shirkaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa.

    Shirkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka tanaasulin muddo kororsigii golaha shacabku sameeyay 12-kii bishan April, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashooyinka dalka.

    Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay inaysan taageri doonin muddo kororis, doorasho aan la isla oggoleyn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

    Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan ka codsaday guddoomiyaha midowga Africa ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo Flex Tshikedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida, isla markaana uu dusha kala socodo wadaxaajoodka xal u helista is-mariwaaga doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.