Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka QM oo war deg-deg ah kasoo saaray xaalada Soomaaliya
    Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)
    Somalia

    Golaha Ammaanka QM oo war deg-deg ah kasoo saaray xaalada Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 1, 2021Updated:April 1, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada in ay ugu horayn shiraan si loo xaliyo khilaafka ka jira doorashooyinka.

    War saxaafadeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in laga dhagaystay ergeyga gaarka ah ee Q.M. u fadhiya Soomaaliya Amb James Swan in ay muhiim tahay in doorasho loo dhanyahay ka dhacdo Soomaaliya “sida ugu dhakhsaha badan” taasna ay dan ugu jirto dhamaan soomaalida.

    Golaha amaanka ayaa ugu yeeray dhinacyada in ay xalliyaan arrimaha taagan iyadoo lagu saleynayo heshiis ay gaareen 17 Sebtember 2020.

    Tani waa baaqii labaad ee bishaan ay soo gudbiso hay’ada ugu awooda badan Q.M. ee ku aadan wax ka qabashada khilaafka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

    12-kii Maarso, goluhu wuxuu ku booriyay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada “in ay qabtaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhan yahay” iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember “dib u dhac la’aan.”

    Goluhu wuxuu Arbacadii “ku celiyey sida uu ugu xunyahay weerarada argagixiso ee ay geysanayaan Al-Shabaab waxayna xaqiijiyeen in ay taageerayaan madaxbanaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.”

    Xubnaha golaha ayaa sidoo kale amaanay doorka midowga afrika ee “kor u qaadida wadahadalada dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.”

    Danjiraha Ingiriiska Barbara Woodward, oo ku baaqday kulanka deg dega ah ee laga yeeshay xaaladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Swan uu la wadaagay golaha in hannaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay “feejignaan deg deg ah iyo taxadar dheeraad ah.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.