Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Khubarada QM: Lacag fara-badan ayay XFS u adeegsatay Doorashadii Koonfur Galbeed+Warbixin
    Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)
    Somalia

    Golaha Khubarada QM: Lacag fara-badan ayay XFS u adeegsatay Doorashadii Koonfur Galbeed+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixintii u dambeysay ee ay soo saareen Golaha Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimo kala duwan, sida canshuurta Al-Shabaab ka qaadaan Ganacsatada, hubka sharci darada, mamnuucida Dhuxusha iyo arrimo kale.

    Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in lacago loo adeegsaday doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday Koofur Galbeed.

    Warbixinta Golaha uu soo saaray oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka koobneyd illaa 161 Bog.

    82 Xildhibaan oo Maamulka Koofur-Galbeed ka mid ah ayaa la keenay magaalada Muqdisho bishii November 2018 si midkiiba loo siiyo $5000, isla markaana loo ballanqaaday in la siin doono lacag tiradeedu u dhaxeyso $20.000 illaa $30.000 si ay u taageeraan musharrax gaar ah oo Xukuumadda Federaalka wadatay.

    Sidoo kale Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in kummannaan kun oo dollar la siiyey saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

    Doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed ee uu ku guuleystay C/casiis Lafta Gareen oo Wasiir ka ahaa Xukuumadda Federaalka ayaa aheyd doorasho ay hareysay qalalaaso siyaasadeed oo sababay bannaan bax rabashado watay oo ay dad ka badan 10 ruux ku dhinteen, kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, kana mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

    Halkan riix si aad u akhriso Warbixinta Golaha Khubarada QM

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.