Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goorma ayuu bilawday mashruuca qabuuro faagista Soomaaliya
    Somalia

    Goorma ayuu bilawday mashruuca qabuuro faagista Soomaaliya

    ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†By ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†June 11, 2024Updated:June 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ๐‰๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ“: Kooxda Shabaab ayaa bilawday faagista qubuurihii Talyaaniga ee ku yaallay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.ย  Lafaha iyo madaxyo dad ayaa maalmo ka bacdi lagu arkay xaafado ka tirsan Muqdisho, sida aagga Garoonka Muqdisho.

    Goobta waxaa markii danbe laga dhigay xero lagu tababaro maleeshiyaadka Shabaabka.

    ๐Ÿ๐ŸŽ ๐ƒ๐ข๐ฌ๐ž๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ–: Shabaab ayaa bililiqaystay qubuuro ku yaallay Kismaayo, iyagoo lafihii jawaano ku qaatay.

    ๐Ž๐ค๐ญ๐จ๐จ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ—: Dowladda Talyaaniga ayaa canbaareysay falka lagu beegsaday meytida Talyaaniga, waxayna Talyaanigu xilligaas ku dhawaaqeen inay lafaha soo qaadan doonaan oo ay dalkooda geysan doonaan.

    ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐Ž๐ค๐ญ๐จ๐จ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ—: Waxaa falka qubuuro faagista canbaareeyay Raโ€™isul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd Cali Maxamed Geeddi oo ku tilmaamay faagista lafaha meydka โ€œfal fool xun, fal dambiyeed iyo fal biniโ€™aadantinimo ka baxsan.โ€

    ๐Ÿ๐Ÿ— ๐Ž๐ค๐ญ๐จ๐จ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ—: Degmada Galhareeri ee bartamaha Soomaaliya, waxay Shabaabku boobeen dhul isugu jiray qabriga Sheekh Cali Cibaar iyo masjid weyn oo culimada Ahlu Suna kaasoo ay burburiyeen.

    ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐ŸŽ: Al-Shabaab ayaa faagay qabrigii Sheekh Aadan Dheere oo ku yaallay agagaarka Xararyaale iyo qabrigii Sheekh Cali Muumin oo isna ku yaallay xaafadda Labo Dhagax ee degmada Wardhiigley.ย  Shabaab lafaha culimada waxay ku qaateen jawaanno.

    ๐‡๐š๐›๐ž๐ž๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐ŸŽ: Waxay Al-Shabaab waxay gudaha u galeen Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle ee ku yaallay Xaafada Arjantiin ee Degamada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Waxay burburiyeen Qabrigii uu ku aasnaa iyagoo jawaan ku qaatay lafihii Sheekh Cali Cabdulle.

    ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐ŸŽ: Shabaabkuย  waxay qodeen, kana soo saareen qabriga lafihii Sheekh Muxyadiin Celi oo ahaa shiikhii waxbaray culimo badan.

    ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐ŸŽ: Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa burburiyay qabrigii Sheekh Maxamed Biyamaaloow, iyagoo gudaha u galay masjidka Biyamaaloow oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheekhu ku aasnaa. Maleeshiyada Shabaab ayaa bannaanka usoo saaray lafaha Sheekh Biyamaaloow.

    ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘: Waxaa faagis lagu billaabay qubuuraha Macallin Nuur ee duleedka Muqdisho. Waxaa iyadoo meydadka lagala baxaayo ka gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in dhulka uu markii hore ahaa waqaf.

    ๐Ÿ’ ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’: Waxaa faagis lagu billaabay qubuuraha Iskool Boliisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana meydadkii lasoo faagay ka mid ahaa majaajileystihii geeriyooday AUN Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

    ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’: Dowladda Xasan Sheekh ayaa bilawday qodista iyo faagista qubuuraha Iskool Boliisiya iyadoo lafaha meytida laga qaadaayo lacag doollar ah oo laga rabo ehelkooda.


    W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

    Al-Shabab Federal Government of Somalia (FGS) Hassan Sheikh Mohamud Mogadishu Somalia
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Tirada Dadka ku dhintay dagaalka Iran iyo Maraykanka-Israa’iil

    March 11, 2026

    Xog:-Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka Iran?

    March 10, 2026

    Stammer iyo Trump oo kawada hadlay dagaalka Iran

    March 9, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Tirada Dadka ku dhintay dagaalka Iran iyo Maraykanka-Israa’iil

    Xog:-Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka Iran?

    Stammer iyo Trump oo kawada hadlay dagaalka Iran

    Gujis Maraykanku leeyahay oo burburiyay Markab Ciidamada Badda Iran leeyihiin

    Dagaalka Iran saamayn maku yeeshay dhaqdhaqaaqa Dekeda Bosaso?

    Xog:-Weerarada Wadaada Iran Ee Imaaraadka Carabta

    UAE air defences intercept 16 ballistic missiles, 113 UAVs

    Trump Oo UK ku dhuftay Dharbaaxo ku ah Waji gabax

    Faallo:-Wadaada xagjiriinta ah oo caqabad ku ah bulshada Iran

    Guulaha ay ka gaareen Maraykanka iyo Israa’iil dagaalka Iran Todobaad kadib?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.