Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo la Magacaabay (Daawo)
    Puntland

    Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya oo la Magacaabay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2019Updated:April 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

    Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee maanta waxa ay kusoo bandhigtay natiijadii kasoo baxday imtixaanaad loo galay xilka gudoomiyaha bangiga dhexe oo ay soo codsadeen 146 aqoon-yahan, taas oo ugu dambayn uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

    Golaha wasiirrada ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

    Bangiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha ugu muhiimsan hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

    https://www.facebook.com/Faaid.Aden/videos/2582599451769476/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.