Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare oo ka hadlay Dacwada Xisbiga Himilo Qaran
    Somalia

    Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare oo ka hadlay Dacwada Xisbiga Himilo Qaran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku tilmaamay go’aan dowladnimo tallaabadii Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dowladda, si ay cadaaladda u tiigsadaan.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbeook ayuu kaga hadlay sareynta sharciga iyo in haddii la dhaqan geliyo shuruucda dalka in la gaari karo kala dambeyn iyo sharci ku dhisan cadaalad bulsho oo la isku haleyn karo.

    Halkan hoose ka akhriso qoraalka Abshir Bukhaari.

    SAREYNTA SHARCIGA

    Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc hadii sida ay yihiin loo dhaqangeliyo la gaari karo kala-dambayn sharci ku dhisan & cadaalad bulsho oo la isku halayn karo. Sida ay taariikhdu diiwaan gelisay waayihii dawladihii rayidka ahaa keliya ayaan qofna ka sareyn sharciga.

    Runtii waxaa dawladnimo ah go’aanka Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dawladda si ay caddaaladda ula tiigsadaan go’aankii Dawladdu ugu diiday madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmad in uu duulimaad ku tago Magaalada Kismaayo, caasimadda KMG ah ee Jubaland.

    Sida uu qabo Qod.10aad (4) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, dacwadda uu xisbigu ka gudbiyay Dawladda waxay ka mid tahay dacwadaha maamulka. Dhammaan cabashooyinka ku saabsan go’aannada maamul ee Dowladda waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda Sare ee Dalka.

    Go’aankan wuxuu si cad u muujinayaa biseylka siyaasadeed, dhaqanka dowladnimo iyo u-hoggaasanaanta sharciga oo ah rajo cusub oo ka muuqata habdhaqanka SIYAASIGA #Soomaaliyeed EE AAN XILKA HAYN. Go’aankan wuxuu ka mudan yahay saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ku dayasho iyo in isha lagu wada hayo sida ay laanta garsoorku u maareyso dacwadan oo ku ah tijaabo culus oo cadeyn doonta sida & heerka lagu kalsoonaan karo. Sida waafaqsan Qod.1aad (2), Qod.4aad (1), Qod.11aad (1), iyo Qod.33aad ee #Dastuurka KMG ah SHARCIGA ayaa haga Dadka & Dowlada.

    Garsoorku waxa uu ka madaxbannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxa ay u hogaansamayaan oo keliya Sharciga sida ku cad Qod.106aad(1) ee Dastuurka KMG.

    Dawladnimo

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.