Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Haggaanka Ahlu-sunna oo kulan ku leh Dhuusa-mareeb
    Somalia

    Haggaanka Ahlu-sunna oo kulan ku leh Dhuusa-mareeb

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ku biiray Galmudug, ayaa kulan deg deg ah haatan uga socda xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xafiis u ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

    Kulanka oo Albaabada u xiran yihiin ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in looga hadlayo Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ee ay magacowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay saluugsan yihiin.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaanka Ahlu-sunna ay Go’aano kasoo saari doonaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug oo la sheegay inaysan Xubno ku laheyn.

    Sheekh Ca/risaaq Maxamed Ashalcari, oo kamid ah Hoggaanka Sar sare ee Ahlu-sunna ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay  wax ka bartaan dhacdooyinkii  Xumaa ee Galmudug ka dhacay sanadkii 2015-kii ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

    Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Hoggaanka Ahlu-sunna oo horay dhowr mar heshiis ula galay Dowladda Federaalka ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey oo aan dhaqan gelin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.