Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaamiyaha Al-Qaacida oo xaaladiisa caafimaad aad u liidato & QM oo sheegtay
    Somalia

    Hoggaamiyaha Al-Qaacida oo xaaladiisa caafimaad aad u liidato & QM oo sheegtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kumaa hadda maamula al-Qaacida? Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in hogaamiyaha ururka Alqaacida Ayman Al- Zawahiri uu caafimaadkiisu aad u liito kadib geeridii Hamza bin Laden.
    Hamza ayaa muddo dheer loo arkaayey inuu yahay dhaxalka suurtagalka ah ee aabihiis Osama, kaasoo maamulayay weeraradii  9/11 isla markaana ahaa hogaamiyaha shabakada jihaadiyiinta ilaa ay dileen ciidamada Mareykanka sanadkii 2011.

    Ayman al-Zawahiri ayaa weli ah madaxa al-Qaacida, laakiin khubarada UN-ka ayaa toddobaadkan sheegay in la sheegay inuu caafimaadkiisu liito’, taasoo abuurtay ‘shaki ku saabsan sida kooxdu u maareyn doonto cidda badelidoonta.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in Hamza uu dhintay, kadib weerarkii Maraykanku la beegsaday bishii september ee sanadkaan, weerarkaas oo ka dhacay xuduuda Pakistaan iyo Afganistan.

    Cidda kale ee la wareegi kartaa hoggaanka ka Alqaacida ayaan caddayn, maadaama ninkii kale ee ugu saameynta badnaa, Nasir al-Wahishi, la diley sannadka 2015 mana jiro wax kala sarreyn ah oo cad oo jirta.

    Si kastaba ha noqotee, guddiga UN-ka ayaa ka digay in al-Qaacida ‘ay wali adkeysi leedahay’ waxayna sheegeen in ay hadda awood badan ku leeyihiin Yemen, Soomaaliya iyo inta badan Galbeedka Afrika.

    Intaa waxaa sii dheer, al-Qaacida waxaa laga yaabaa inay u diyaar garowdo inay dib u hesho xoogaa taageero ah oo ka yimaadda ISIS ka dib markii ururkaas burbur xoogan uu ka yimid lana dilay hogaamiyahoodii.

    Guddiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Illaa 30,000 oo kamid ah dagaalyahannadii ISIS ay wali nool yihiin qaar kamid ahna ay ku biiri karaan al-Qaacida iyo kooxaha la xiriira.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.