Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaamiye iska casishay xilkii Madaxweyne maalin kaddib dhaarinteedii
    Somalia

    Hoggaamiye iska casishay xilkii Madaxweyne maalin kaddib dhaarinteedii

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxay ahayd dib u gurasho aan la fileyn, haweeneyda ay Baarlamaanka Peru u magacaabeen in ay noqoto “kusimaha madaxweynaha” ayaa is casishay saacado ka dib markii xilka loo dhaariyay.

    Waxay dhaarinta Mercedes Aráoz ka dambeeyay xildhibanno ka hor yimid go’aanka madaxweyne Martín Vizcarra oo kala diray xildhibaannada, shaqadana ka joojiyay.

    Tallaabada lagu dhaariyay waxay ka dhignayd in Peru uu si kooban u yeeshay laba siyaasi oo kala sheeganayay xilka madaxweynaha.

    Iyadoo uu jiray qalalaase dastuuri ah, haddana inta badan xaaladda Peru ayaa deggan.

    Ms Aráoz waxay ahayd madaxweyne ku xigeenkii Mr Vizcarra, illaa uu ka billaabanayay khilaafka sababay in madaxweynaha uu ku go’aansado inuu baarlamaanka kala diro.

    Waxaa xilka u dhiibay xildhibaannada mucaaradka ah oo ku doodaya in Mr Vizcarra uu jebiyay dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen inuu xilkiisa bannaan yahay.

    Waxay sheegeen in shaqada xafiiska madaxweynaha ay muddo sannad ah ka joojiyeen Mr Vizcarra, balse dowladda waxay ku doodeysaa in codeynta baarlamaanka ay dhacday ka dib go’aankii madaxweynaha uu Baarlamaanka ku kala diray, tallaabadaasna ay tahay waxba kama jiraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.