Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»HOGGAANKA LA-DAGAALLANKA KHAWAARIJTA (ISIS) IYO XASILLOONIDA GOBOLKA
    Puntland

    HOGGAANKA LA-DAGAALLANKA KHAWAARIJTA (ISIS) IYO XASILLOONIDA GOBOLKA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 21, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    By:-✍️ Dr. Liban Cigaal.

    Puntland waxay si geesinimo leh u hoggaamineysaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta ISIS, iyada oo aan wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka. Halka ciidanka Puntland ay dhiiggooda u hurayaan difaaca dalka, madaxda Villa Soomaaliya waxay doorbideen inay sheegasho iyo iska indho-tir xaqiiqada dhabta ah isku mashquuliyaan.
    Wasiir Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Federaalka laga hor istaagay taageerada Puntland, balse su’aasha dhabta ah waxay tahay:

    Yaa idinka hor istaagay inaad booqataan ciidamadii Soomaaliyeed ee dhaawaca ahaa, kuwaas oo Addis Ababa lagu dabiibayay, meel aan ka fogeyn xaruntii aad shirka u joogteen ? Waaba haddii aad aaminsan tihiin in xilku masuuliyad yahay dalkuna dalkiinii yahay!

    Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin been sheegow runtaada la hubaa,” Dowladda Federaalka waxay sheeganeysaa inay dan ka leedahay amniga dalka, balse ficilladeeda ayaan marna ka tarjumeyn hadalladaas aan dhaafsiisneyn afka baarkiisa.

    Waxaa caddaatay in Dowladda Federaalka aysan Puntland iyo guud ahaan dalka u rabin xasillooni, balse ay u aragto caqabad siyaasadeed KA SHAQEYNTA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA.
    ________________________________________
    Puntland Way Guuleysatay – Laakiin Guusha Waa in La Dhameystiraa
    Ciidamada Puntland waxay gaareen guul weyn, 90% dhulkii ay ISIS joogtay waa la xoreeyay, gaar ahaan buuraha Cal-Miskaad iyo aagagga hoos yimaada. Laakiin dagaalku ma dhammaanin—si guusha u noqoto mid waarta, waa in la xoojiyo:

    • Howlgallada amni ee joogtada ah.
    • Joojinta dhaqaalaha ISIS iyo jarista ilaha maalgelinta.
    • Wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.
    • Sirdoonka iyo ka hortagga khataraha mustaqbalka.

    Puntland, waxay safka hore kaga jirtaa dagaalka argagixisada, waana u cadaatey dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba sidoo kale beesha caalamka way garwaaqsatay puntland doorkeeda hoggaamineed. waxaana muuqatay in ay muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si toos ah ula shaqeeyaan puntland si loo xaqiijiyo guusha dagaalka ISIS.
    Dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu Puntland siinayaa madaxbannaanida amniga iyo horumarka. Qodobka 48aad, Qodobka 50aad, iyo Qodobka 52aad ee Dastuurka Federaalka waxay si cad u qeexayaan awoodaha Dowlad Goboleedyada iyo xaqa ay u leeyihiin inay si madaxbannaan u maamulaan amnigooda.

    Sidoo kale, Qodobka 142aad wuxuuba sii xoojinayaa jiritaanka iyo madaxbannaanida Dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya, sida Puntland. Sidaas darted intii aan ogeyn, Puntland waxay xaq dastuuri ah u leedahay inay amnigeeda sugto, horumarkeeda qorsheysato, islamarkaana aysan ka sugin wax taageero ah oo aan jirin oo ka imaanaya Dowladda Federaalka ee manta ku mashquulsan arimo dalka iyo dakaba aan u wanaagsaneyn.
    ________________________________________
    Gunaanad:

    Puntland Waa Hoggaanka Soomaaliya
    Dowladda Federaalka waxay lumisay fursad kasta oo ay dalkaan iyo dadkiisa ku hanan lahayd kuna muujin lahayd hoggaamin qaran— hal arin oo u harsan oo qura waa jirtaa waaba hadii ay indhahooda runta arkaan waa in ay doorasho laysla ogolyahay ka qabataan dalka xiliga dastuuriga ah intaas hadii ay gartaan wax un baa in lawada leeyahay baa cayma iyo badbaado horseedi kara .

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.