Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»IGAD oo waxba kama jiraan ku tilmaantay Eedayntii Farmaajo Ee Kenya!!!!
    Somalia

    IGAD oo waxba kama jiraan ku tilmaantay Eedayntii Farmaajo Ee Kenya!!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    IGAD Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dacwadi Madaxweyne Farmaajo ka Gudbiyay Dawladda Kenya Taaso ahayd in Kenya ay Faragalin ku Hayso Somalia iyo inay Maleeshiyo Soo Hubeysay

    Guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u xil saartay eedeynta Somalia u jeedisay Kenya ee ah iney faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda iyo waxyaabaha ay ku soo ogaadeen….

    Warbixinta Guddiga ayaa ku eedeeyay Qeybta Hawada Dowladda Kenya inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ku xad-gudbeen hawada Somalia, iyagoo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah kadib markii Dowladda Somalia soo saartay amaro lagu joojinaayo dhammaan dayuuradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

    Sidoo kale waxey Guddiga Warbixintooda ku muujiyeen inaysan jirin caddeymo muujinaya in Dowladda Kenya aqoonsi siisay Dawladd Gobaledka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Mohamed islaam .

    “Ka qeyb-galka laba xildhibaan oo miisaan ku leh Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji, ee caleemo-saarkii Madaxweynaha Jubaland Axmed mohamed islaam kama dhigna aqoonsi Kenya siisay Jubbaland,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga IGAD.

    Guddiga ayaa sidoo kale meesha ka saaray eedeynta dowladda Somalia ee sheegeysa in gudaha Kenya lagu hubeeyey jabhad uu hoggaamniyo Cabdirashiid Janan, waxana warbixinta guddiga lagu sheegay inay xaqiijiyeen in Janan uu yahay wasiir ka tirsan Maamulka Jubaland, isla markaana ciidankiisa ay hoos tagaan ciidamada Maamulkaas ee aysan aheyd Jabhad.

    Xubnaha Guddiga ayaa diiday qodobada Somalia u cuskatay iney xiriirka u jarto Kenya waxayna sheegeen in qodobadaas aysan u qalmin goynta xiriirka labada dal.

    “Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya inaysan ku filnaan karin in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. inkastoo dowladda Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixinta IGAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.