Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhan Omar oo si kulul uga hadashay Dacwadda NISA ee Harun Macruf
    Somalia

    Ilhan Omar oo si kulul uga hadashay Dacwadda NISA ee Harun Macruf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay Dacwadii ay Hay’adda NISA sheegtay inay ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

    Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Go’aankaas uu yahay olole cabsi-gelin ah oo aad looga naxo.

    “Weerarradan iyo xarigii Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee la xiray- isaga oo ka warramaya saamaynta Covid19 ee Soomaaliya- waa xadgub aan la aqbalikarin oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha” Ayey tiri” Ilhaan.

    Hadalka Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana haatan u xiran Wariyeyaal uu kamid yahay Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja).

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.