Meel ka mid ah Somaliya in Shidaal laga dilaaciyo,waxay qaadanaysaa hadii si sax ah wax usocdaan 9-10 Sano oo kadib.
Haatan Turkigu,wixii uu kusoo arkay Baloogyadii uu baaray,ayuu soo bandhigayaa bishan 15-keeda.
Markaas kadib,ayaa loo hawlgalayaa in Afka Baloogaas la raadiyo oo la dalooliyo,kadibna laga soo qaado tijaabo xaqiijisa kaydka Shidaal ee ku jira noociisa iyo in uu iib geli karo.
Kadib marka la xaqiijiyo in kaydka la helay uu yahay mid iibgeli kara,ayaa loo raadinayaa Shirkado maalgeliya.
Haduu noqon waayo kaydka shidaal ee la xaqiijiyay mid iibgeli kara,halkaas,ayaa looga tagayaa.
Baloogyada Badda ee Galmudug ilaa JL,waxay dhan yihiin 66-Baloog,halka PL Badeeda lagu qiyaaso 60- Baloog,iyadoo shidaalku mar walba ubadan yahay dhanka Waqooyi.
Sidoo kake,waxaa jira rajo Shidaal oo ka jirta Dhulka,gaar ahaan Ceelal ku yaal Holhol iyo Shabeellooyinka.
Balse Shidaalka dhulku,waa ka adag yahay qodistiisu kan Badda,sidoo kale,waxaa caqabad ah amniga,sidaa daraadeed Shidaal dhanka dhulka laga qodo waa rajo ay adag tahay in ay rumowdo.
