Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dawlada Fadaraalka oo dhaliil badan loosoo jeediyay
    Somalia

    Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dawlada Fadaraalka oo dhaliil badan loosoo jeediyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Arday tiradoodu gaareyso 2883 arday ayaa ku dhacday halka ay ku baaseen arday gaareysa 15, 356 imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka sanad dugsiyeedka 2016/2017.
     
    Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baaseen 15, 356oo arday,
     
    “Tirada imitixaanka ku baastay sanadkan waa 15,356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.
     
    “23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.
     
    Tobanka ardey ee kaalimaha hore ka galay Imtaxaanka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda fadaraalka Somaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled (Khader).
     
    “Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba cuntada, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
     
    Hadaba imtixaankan shahaadiga ahaa ee ay Dawlada Fadaraalku qaaday ayaa loosoo jeediyay dhaliil fara badan,taasoo ka imaanaysa dhinacyada maamulka,hufnaanta oo musqmaasuq baaxad leh ayaa aafeeyay iyo tayada imtixaanka oo aad u hoosaysay
     
     
    Puntland ayaan iyadu qayb ka ahayn imtixaankna ay qaaday Dawlada Fadaraalka,waxay kloo Puntland ka hor timid shahaadada Dugsiyada sare ee ay bixiso Dawlada Fadaraalka.
     
    Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa aad uga horaysa markii laga eego dhinacayada tayada waxbarashada,macalamiinta,hab maamulka waxbarashada,khibrada,Wasaarada waxbarashada fadaraalka,iyadoo lagu tilmaamo wasaarada waxbarashada Puntland mida ugu tayada saraysa wasaaradaha waxbarashada ee guud ahaan Soomaaliya.
     
    Puntland ayaa sanad walba waxaa ku baasa ama ka gudba Imtixaanka sanadlaha ah ee shahaadiga ah Arday gaaraysa Afar kun,sidoo kale waxay dawlada Puntland deeq waxbarasho dibada ugu dirtaa in ka badan 300 oo Arday sanad walba.
    Halkan akhriso Tobka Arday ee la sheegay in ay ugu saraysay
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.