Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»India: Dumar Muslimiin ah oo iyagoo aan ogeyn la “xaraashay”
    Somalia

    India: Dumar Muslimiin ah oo iyagoo aan ogeyn la “xaraashay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay.

    Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah.

    Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dumarkan.

    “Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. “Illaa maalintii aan arkay aad baan u careysnahay.”

    GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha.

    Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda.

    Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay.

    In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.

    AFP/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.