Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Isimada Gobalka Bari “Madaxweyne Dad baa war xun nooga kaa keenay”+VIDEO
    Puntland

    Isimada Gobalka Bari “Madaxweyne Dad baa war xun nooga kaa keenay”+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isimada, Nabaddoonada iyo Waxgaradka Gobalka Bari ayaa raalli-gelin siiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana ay sheegeen in Dad qaswadayaal ah ay ugu keeneen Warar been abuur ah.

    Qaar kamid ah Isimada iyo  Nabaddoonada Gobalka Bari oo ka hadlayay kulan qado sharaf ah oo Madaxweyne Deni shalay ugu sameeyay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in xubno kamid ah Dowladda ay u sheegeen in Madaxweynuhu iibsaday Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso, ayna rumeysteen.

    https://www.facebook.com/Yusufabdishire1998/videos/2583385095016680/

    Isimada iyo Nabaddoonada ayaa sheegay in wararkaas ay ahaayeen kuwo been abuur ah, ayna ku faraxsan yihiin inuu Madaxweynuhu la wadaago xaqiiqooyin iyo doorka shariif ah ee Dowladdu ka cayaareyso dib u xoojinta amniga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Magaalada Boosaaso ee Halbowlaha Dowladda Puntland.

    Ugu dambeyntii, Isimada iyo Nabaddoonada Gobalka Bari ayaa Alle ugu baryay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Xukuumadiisa inuu ku guuleysiiyo dadaalada huwan Nabadda iyo Barwaaqada ee ay wadaan, waxaana ay kula dardaarmeen in aysan ka daalin u adeegista Bulshada ay xilka u qaadeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.