Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya oo shaqada ka joojisay laba ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka Tigray
    Ethiopia's Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)
    Somalia

    Itoobiya oo shaqada ka joojisay laba ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka Tigray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 4, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    aba ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa Talaadadi shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida.

    Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July.

    Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan aysan heysan ruqsadda shaqada.

    Hay’adda Dhaqaatiirta Aana Xuduudda Laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bil kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah.

    Afhayeen u hadlay hey’addan ayaa sheegay in ay si deg deg ah dowladda uga doonayaan sababta looga joojiyay howlahii ay Itoobiya ka wadeen.

    Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in hey’adahani ay ‘hubeynayaan’ xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

    Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya eedaha ay u soo jeedisay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka Tigray, eedahaas oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo khatar ah oo ay waajib tahay in ay in la joojiyo.

    Martin Griffiths ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay gobolka Amharada iyo Cafarta ay sababeen in ay ku barakacaan in ka badan 200,000 oo ruux, kuwaas oo hadda u baahan gargaar bani’aadannimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.