Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Jigjiga: Magaca Iyo Calanka Xisbiga DDS oo la bedelay (Daawo)
    Puntland

    Jigjiga: Magaca Iyo Calanka Xisbiga DDS oo la bedelay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    JIGJIGA (IDIL NEWS)-Xisbiga talada haya ee Gobolka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya oo shir uga socda magaalada Jigjiga ayaa isku raacay in la bedelo magaca iyo Calanka Xisbiga.

    Xubnaha Xisbiga oo shirkooda la soo gabagabeyn doono maanta oo Arbaco ah ayaa ansixiyay in la bedelo calanka iyo magaca Xisbiga, waxaana magacii Xisbiga ee ahaa Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya lagu bedelay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida (SDP).

    Sidoo kale waxaa la bedelay Astaanta calanka Xisbiga oo markii hore ku dhex jiray Calanka dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana astaanta lagu soo koobay Xidig qeybta sare kaga taal Calan Buluug ah oo dhexda kaga jiro Geel.

    Tan iyo markii is bedelada ka dhaceen Gobolka Soomaalida degto ee hoostaga Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyin wax looga bedelayo hab dhaqankii maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

    IDIL NEWS

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.