Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Jubbaland oo Dagaalamayaal Shabaab ah ku dishay Degaanka Araare (Daawo)
    Puntland

    Jubbaland oo Dagaalamayaal Shabaab ah ku dishay Degaanka Araare (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ARAARE (IDIL NEWS)- Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay hub ay kasoo furteen malayshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

    Hubkaan ayey ciidamadu kusoo furteen howlgaladii ay sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale jira meydad ay ka carareen kooxda Al shabaab.

    Ciidamadu waxay soo bandhigeen meydka dagaalame kamid ah Shabaabkii dagaalka lagu dilay.

    Waxaa jira meydadka 25 dagaalame oo ay ciidamadu kasoo qaadeen goobahii ay howlgalada ka sameeyeen laakiin wax sawir ah lagama soo qaadin jirkooda oo aad u bur buray awgeed.

    Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladu sii socon doonaan.

    Ciidamada Jubbaland oo taageero ka helaya ciidamada Maraykanka ayaa dharbaaxo xun ku dhuftay malayshiyaadka Al shabaab.

    Saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen in howlgaladii ugu dambeeyey kooxdu ku wayday ku dhowaad 40 dagaalame.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/544780936029084/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.