Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay waraaqo XFS ay soo saartay
    Somalia

    Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay waraaqo XFS ay soo saartay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hor-yimid habraacii soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    “Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u aragtaa inay tahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka u yaalla”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

    Sidoo kale, Wasiir Cabdi Xuseen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mar walba ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu caddeeyay in dhowaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

    Dhowr jeer oo hore Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay qoraalo is daba joog ahaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana inta badan ahaayeen kuwo aanan dhaqan gelin oo khilaafka labada dhinac sii xoojin jiray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.