Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo ka jawaabtay Dacwad ay ka gudbisay DF Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    Kenya oo ka jawaabtay Dacwad ay ka gudbisay DF Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay.

    Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya.

    Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana ay difaacato hawadeeda.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax looga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya.

    Arrintan ayaa soo xoojisay xiisada labada dal oo markii hore isku hayey muranka Badda oo ahaatan dacwaddiisu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.