Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo mar kale dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga Dacwada Badda & DFS oo kahor timid
    Somalia

    Kenya oo mar kale dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga Dacwada Badda & DFS oo kahor timid

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii mar kale Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo, sababo ku aadan Cudurka Corona Virus.

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa  ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda.

    Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya.

    “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto” ayuu yiri Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo BBC la hadlay.

    “Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna” ayuu yiri Mar kale Guuleed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.