Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadihii Ka Socday Ciraaq Oo Korortay
    Somalia

    Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadihii Ka Socday Ciraaq Oo Korortay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaaray ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay.

    Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo booliska.

    Milateriga ayaa sheegay “shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin” ayaa waxa ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah.

    Ra’iisul Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in “dalabaadka saxda ah” ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.

    Dibadbaxyada aanan la sii qorshayn ayaa waxa ay bilowdeen Talaadadii xilli uu aad sare ugu kacay walwalka ka taagan shaqa la’aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hareeyay.

    Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa loollankii ugu waynaa ee ay soo wajahdo dowladdan jilicsan ee Mr Mahdi, taas oo awoodda la wareegtay sanad ka hor.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.