Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan
    Somalia

    Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.

    Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.

    “Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

    “Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”

    Kim — oo aan inta badan u safrin dibedda — ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

    Wargeyska ayaa sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.

    Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.

    Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.

    “Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.

    Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang — qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.

    AFP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    March 14, 2026

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    March 14, 2026

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    March 14, 2026
    Latest Posts

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    UAE air defences engage 7 ballistic missiles, 27 UAVs

    Shipping through the Strait of Hormuz has collapsed amid the Middle East war.

    Xog:-Tirada Dadka ku dhintay dagaalka Iran iyo Maraykanka-Israa’iil

    Xog:-Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka Iran?

    Stammer iyo Trump oo kawada hadlay dagaalka Iran

    Gujis Maraykanku leeyahay oo burburiyay Markab Ciidamada Badda Iran leeyihiin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.