Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan
    Somalia

    Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.

    Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.

    “Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

    “Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”

    Kim — oo aan inta badan u safrin dibedda — ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

    Wargeyska ayaa sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.

    Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.

    Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.

    “Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.

    Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang — qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.

    AFP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.