Safarka Safiirka Safaarada Maraykanka ee Somaliya uu ku tagay Kismaayo,wuxuu daarnaa Laba Qodob oo kala ahaa…..
1.Dhiirigelinta Ciidamada JL oo qarka usaaran in ay Jamaame ka saaraan AS.
2.Siyaasada iyo doorashada 2026.
Dhanka Ciidamada Safiirku,wuxuu bogaadiyay Ciidamada JL,wuxuuna ballan qaaday in ay xoojinayaan hawlgallada Cirka ee ay ku taageerayaan hawlgalka socda.

Dhanka siyaasada Safiirku,wuxuu ku booriyay Mw Axmed Somalidu in ay ka heshiiso khilaafaadka dhexyaal.
Si gaar ah Safiirku,wuxuu fariin ka siday Xasan Shiikh oo ka hor intuusan kasoo bixin Muqdisho ay Taleefoonka kuwada hadleen,taasoo ah in uu diyaar uyahay wadahadal.
Mw Axmed,waa soo dhaweeyay fariintaas,wuxuuna usheegay Safiirka in uusan waligiiba diidin wadahadal,isla markaana hada diyaar uyahay.
Maalmaha soo socda,waxaa Kismaayo isaguna ku aadan Wakiilka QM ee Somaliya.
Booqashooyinkan,waxay uyihiin Axmed Madoobe guulo siyaasadeed,waxaana sharciyad noqotay dib udoorashadiisii,iyadoo Villa Somaliya ay diidan tahay.
Waxaa kaloo fashilmay cunaqabatayntii socdaal iyo Maxkamadii Villa Somaliya kusoo oogtay Axmed Madoobe.
