Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»laba qof loo qabtay Afduub Gabar Soomaali ah loogu geystay Kenya
    Somalia

    laba qof loo qabtay Afduub Gabar Soomaali ah loogu geystay Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarayaasha Kenya ayaa xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

    Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.

    Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.

    “Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

    Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

    Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa Shan milyan ka dalbaday qoyskeeda.

    Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta, waxaana abada eedeysane lagu wadaa in berri la soo taago maxkamad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.