Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ma dhab baa in Puntland Garoomadeeda ka mamnuucday Shirkadda DAALLO AIRLINE ?
    Puntland

    Ma dhab baa in Puntland Garoomadeeda ka mamnuucday Shirkadda DAALLO AIRLINE ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya, in dowladda Puntland ay mamnuucday shirkadda DAALLO AIRLINE.

    “Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda DAALLO AIRLINE laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

    Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ” waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba usheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada DAALLO AIRLINE ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta kaga soo dagtay Garoonka Boosaaso”.

    Agaasimaha ayaa tilmaamay in shirkadda DAALLO AIRLINE ay maalmihii u dambeeyay Garoomada Garoowe iyo Boosaaso ka qaadaysay dadka sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka “Waxaa sida oo kale shirkada DAALLO AIRLINE Garoomadda Boosaaso iyo Garoowe ay ka qaaday duulimaad yadii XAJKA ee ay xujayda ugu qadaysay Dalka Sucuudiga” ayuu sii raaciyay Xoosh.

    Agaasimaha ayaa ugu dambeyntii caddeeyay, in Garoomada Puntland ay u furan yihiin diyaarad kasta oo si sharciya ku imaanaysa ” Garoomadda Puntland waxaan kusoo dhawaynaynaa cidkasta ama diyaarad kasta oo si sharci ah ku imanaysa kagana duulaysa, anaga oo adeeg ay ku qancaana u diyaarinayn

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.