Warbixin lagu qoray Wargeyska caalamiga ah ee Daily Mail ee kasoo baxa UK,ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha baxsadka ah ee argagixisada Daacishta Somaliya Muumin Afar Caruur ah oo Labo bahood kala ah ay ujoogaan London.
Wiil iyo Labo Gabdhood oo bah ah iyo Gabar curadiisa oo bah kale ah.
UK ayay wax ku bartaan kana shaqaystaan oo degan yihiin Xaasaskiisu.

Calmiskaad,ayuu dagaal ka hurinayaa uu ku barikicinayo Shacabka Puntland,isagoo Qoysaskiisii ay haystaan Nolol iyo Nabad.
Su’aalaha uswaydiinta mudan,waxay yihiin….
Gaalada usoo aaday Calmiskaad ee aan London joogin maxay tahay?
Jihaadku ma Calmiskaad kaliya,ayuu ku waajibayaa?
Haday dhab ka tahay Jihaadka uu sheeganayo muu Caruurtiisa iyo xaasaskiisa soo galiyo dagaalka oo Calmiskaad keeno?
Dad Caruurtood,ayuu dab ku shidayaa,kuwiisuna London ayay wax ku baranayaan?
Halkan hoose ka akhriso qormada:-
New ISIS leader has Brit ex-wife and three children living in Slough https://www.dailymail.co.uk/news/article-15354209/Orange-bearded-ISIS-leader-British-ex-wife-three-children-live-Slough-council-flat-wages-jihad-West-cave-hideout-Somalia.html?ito=native_share_article-nativemenubutton
