Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in Mareykanka uu sameeyay wax sababay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya?
    Somalia

    Ma dhabaa in Mareykanka uu sameeyay wax sababay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tan iyo markii uu 6-dii bishan February Turkiga ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu yahay 7.8 – kaas oo dilay dad ka badan 44,000-waxaa baraha bulshada lagu faafinayay warar iyo sawirro ku saabsanaa musiibadaas.

    Hase yeeshee, BBC-da ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dadka ka hadlayay dhacdadaas ay si khaldan u eedeynayeen hay’adda HAARP oo ka shaqeysa dhinaca isgaarsiinta iyo hawada, taasoo fadhigeedu yahay gobolka Alaska ee dalka Mareykanka.

    Waxaa hay’addan oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka lagu eedeeyay in ay si macmal ah u sababtay dhul gariirka dhimashada badan keenay.

    Hay’adda HAARP waxaa la aasaasay sanadkii 1990, waxa ayna tan iyo 2014-kii ka shaqeyneysay xarunta Jaamacadda Alaska.

    Markii uu dhacay dhul gariirka ka dib waxaa isasoo tarayay tirade dadka Twitter-ka uga hadlayay HAARP.

    Daraasad ay BBC-da sameysay ayaa muujisay in ilaa 550,000 laga hadlay hay’adda militeriga Mareykanka.

    Mid ka mid ah dadka eedeynayay ayaa soo qoray: “Maxaa runtii ka dhacay Turkiga?…. Waxay sameeyeen sarsamada cimilada ee Geo-engineering HAARP!”.

    Qof kale oo Twitter-ka isticmaala ayaa soo geliyay muuqaal shimbir laga duubay, waxa uuna sheegay in xayawaanadu “ay u dhaqmayeen si layaab leh” ka hor inta uusan dhicin dhul gariirka, ka dibna waxa uu isweydiiyay su’aal ku saabsan in Turkiga ay “Weerar kusoo qaadday hay’adda HAARP”

    Dad kale,ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya daruuro ay sheegeen in ay Turkiga dul heehaabayeen ka hor inta uusan dhicin dhul gariirka, iyagoo sheegay in daruurahaas ay sameysay HAARP.

    Jessica Matthews oo ah agaasimaha barnaamijyada ee HAARP ayaa BBC-da ku tiri: “Qalabka cilmi baarista ee hay’adda HAARP ma awoodo in uu isbaddal ku sameeyo musiibooyinka dabiiciga ah.”

    Aaron Ridley, oo ah Barafasoor Cilmiga Cimilada iyo seyniska hawada ka dhiga jaamacadda Michigan ayaa ku raacay hadalkaas: “Ma jirto caddeyn seynis ah oo muujineysa in hay’adda HAARP ay maamuli karto cimilada.”

     

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.