Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Hirshabelle oo qaadacay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho
    Somalia

    Maamulka Hirshabelle oo qaadacay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad goboleedla Hirshabeelle ayaa ka horyimid shir shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu berri oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho.

    War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa in aysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho”.

    Hirshabeelle waxay tilmaantay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka Muqdisho, wixii kasoo baxana aysan quseyn Hirshabeelle.

    Hirshabeelle waxay sheegtay in ay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga, waana mas’uulka kaliya ee weli ka maqan magaalada Muqdisho.

    Shirka Muqdisho ayaa la sheegay in looga hadlayo howligii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27 May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.