Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxii hore ee Mossad oo sameeyey qirasho aan laga fileyn oo la xiriirta Iran
    Somalia

    Madaxii hore ee Mossad oo sameeyey qirasho aan laga fileyn oo la xiriirta Iran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2021Updated:June 14, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano militari.

    Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon.

    Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin.

    “Haddii syanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo aysan na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,” ayuu yiri Cohen.

    Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro.

    Bishii July 2020, waxa uu qarax kala dhantaalay mashiinada loo adeegsado uranium-ka, waxayna weerarkaas Iran ku eedeysay Israel. Sidoo kale bishii April ee sanadkan ayaa waxaa isla xaruntaas ka dhacay qarax kale oo saameeyey hoolalka lagu kobciyo macdanta uranium-ka.

    “Mashiinada Centrifuge-ka halkaas ayey ku shaqeyn jireen,” ayuu yiri. “ooh adda ma shaqeeyaan miyaa,” ayey weydiisay weriye Ilhan Dayan, wuxuuna ka jawaabay “dhab ahaantii.

    Cohen si toos ah uma qiran weerarka, hase yeeshee wuxuu yaboohay qirashadii ugu dhoweyd ee ah in Israel ay ku lug laheyd weerarada.

    Barnaamijka Uvda ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii November loo gaystay saynisyahan qeyb ka ahaa billowga barnaamijka Nukliyeerka Iran oo lagu magacaabay Mohsen Fakhrizadeh, wuxuuna sheegay in Cohen uu saxiixay dilkaas.

    Cohen ayaa ugu baaqay saynisyahanada Iran inay faraha kala baxaan barnaamijka Nukliyeerka, waxaana mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii aysan sidaas sameyn uu ku jawaabay “way arkeen saaxiibadood,” isaga oo ula jeeda kuwa la dilay.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.