Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay kulan Casho ah oo Dubai loogu sameeyay
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay kulan Casho ah oo Dubai loogu sameeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 13, 2023Updated:April 13, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dubai : 13 April 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay kulan Casho ah oo Hay’adda Dekadaha, Cashuuraha iyo Ganacsiga xorta ah ee magaalada Dubai u sameysay Madaxweynaha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

    Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxa Hay’adda Dekadaha, Cashuuraha iyo Ganacsiga xorta ah ee magaalada Dubai, Sidoo kalena ah maamulaha Shirkada DPworld Mudane Sultan Ahmed Bin Sulayem, Qunsulka Safaarada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdulcasiis iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Iskaashiga kala dhexeeya Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Mashaariicda horumarin oo ay ugu horeyso Dekadda Boosaaso oo hadda shaqadii balaarinta meel wanaagsan marayso.

    Kulanka kadib, Madaxweynaha ayaa wakhti la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay kulanka, waxaana ay iska xog wareysteen xaaladda dalkii iyo doorka Ganacsatada looga baahanyahay, Iyadoo Madaxweynuhu ku dhiirigeliyay in ay laba jibaaraan kaalintooda ku aadan Maalgashiga iyo garab istaaga Dowladnimada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.