Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland “Hanaanka Siyaasadda loo dhan yahay Dalka kama jirto” (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland “Hanaanka Siyaasadda loo dhan yahay Dalka kama jirto” (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, isagoo caddeeyay in wixii ka soo baxa Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho aanay anfaceynin dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay ka hadlayay Munaasabadda sanad-guurada 4aad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha Masiiriga ah heshiis laga gaaro, sida doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

    Waxaa uu sheegay in hannaanka deyn cafinta Soomaaliya uu dhaqan geli karin, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka ku tumanayaan sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

    โ€œDeyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalkaโ€ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

    Wakiilada Beesha Caalamka ee ka hadlayay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ku celcelinayay qodobka siyaasadda loo dhan yahay oo laga dalbaday dowladda Federaalka in la timaado hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay Madasha looga dhawaaqay Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda,

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.