Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2019Updated:March 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiir ku-xigeeno iyo xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

    Axmed Madoobe ayaa waxaa safarka Muqdisho ku Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Ilaalo fara badan oo aad u hubeysan, waxaana loo galbiyay Guri ku dhow Madaxtooyadda oo loo diyaariyay.

    Wafdiga Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay Muqdisho joogi doonaan maalmo, waxaana inta ay joogaan wada hadalo la yeelan doonaan Madaxda dowladda Federaalka.

    Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa ujeedkiisa yahay dhameystirka heshiiska dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo uu ka soo shaqeeyay Ku-simaha Taliyaha NISA.

    Axmed Madoobe ayaa xilligan waxaa ku soo fool leh doorasho, waxaana bisha Agosto la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo uu la kulmayo loolan aad u xooggan, waxaana uu doonayaa in loolankaas oo badankiisa uga imaanaya dowladda Federaalka inuu meesha ka saaro.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/MadaxweynahaJubbaland/videos/336927233624345/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.