Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAAMINAYO WAKIILKA QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA.
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAAMINAYO WAKIILKA QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAAMINAYO WAKIILKA QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA.

    Garoowe: 25 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

    Kulanka ayaa looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

    “Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena dadka daneeyayaasha Siyaasadda ee Soomaaliduna ay ka dhex arki karaan maslaxad Soomaaliyeed iyo mid loo simanyahay. Waxaan rajeynaynaa kulamadaasi oo weli socda in ay iyaguna gaari doonaan meelo muhim ah, oo la rajeynayo in lagu wada qanco.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni .

    Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan wuxuu muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

    Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa Iyana kulan gaar ah la qaatay madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN. Kulankaasi waxaa looga hadlay sidii la isu waafijin lahaa qorshaha horumarinta Puntland ee shanta sano iyo qorsheyaasha u yaalla hay’addaha qaramada midoobey iyo sidii la isaga kaashan lahaa saameynta ay ka dhalatay Covid-19, Ayaxa iyo Duufaantii GATI.

    DHAMMAAD
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWALDDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.