Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE AXMED MDOOBE OO SHIR GUDOOMIYAY KULANKA GOLAHA WASIIRADA
    Somalia

    MADAXWEYNE AXMED MDOOBE OO SHIR GUDOOMIYAY KULANKA GOLAHA WASIIRADA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2021Updated:February 11, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 11, Feb, 2021- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

    Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

    Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada #covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo deeganada Jubaland.

    Gudiga kobcinta dakhliga ayaa soo soo bandhigay guulaha ilaa hada ay ka gaareen shaqada ay hayaan iyadoo isbadalo muuqda laga gaaray shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabteen.

    Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.

                     1. Xeerka maalgashiga Jubaland 
                      2. Xeerka shatiyada Jubaland 
                      3. Xeerka Shirkadaha Jubaland 

    Meel marinta Sadexdan xeer kadib waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka iyagoo ka doodi doona.

                                 DHAMMAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.