Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Daah-Furay Mashruuc Qaliin Loogu Samaynaayo Dadka Faruuran (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Daah-Furay Mashruuc Qaliin Loogu Samaynaayo Dadka Faruuran (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cisbitaalka magaalada Garoowe ka daah-furay Mashruuc balaaran oo Qaliin loogu samaynaayo dadka faruuran iyo dadka dhanxaraggu xidhan yahay.

    Munaasabadda furitaanka mashruuca waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiinta cisbitaalka Garoowe, Jaaliyadda Puntland ee dalka Germany iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

    Mashruucan balaaran ee Qaliinka loogu samaynaayo dadka Faruuran oo ah kii labaad ee Puntland lagu sameeyo, ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya dad gaaraya 185 qof oo ka kala yimaaday deegaanada Soomaalidu dagto, isla’markaana waxaa fulintiisa iska kaashanaya Jaaliyadda Puntland ee Germany ee qaybta ka ah (Som Care) iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, waxaana qaliinka samaynaya Dhakaatiir u dhalatay wadamada Kenya iyo Hindia, kuwaas oo lagu magacaabo (Help Child Face Tomorrow).

    Madaxweyne Deni oo goob joog u noqday fulinta qaliinka oo galabta bilaabmay ayaa ku booriyey jaaliyadda Puntland ee Germany iyo Dhakhaatiirta qaliinka samaynaaya ee (Help Child Face Tomorrow) inay ku dedaalna sidii ay guul uga gaarilahaayeen dhammaystirka shaqadan.

    “Waa arin aad farxad u ah, waa arin u gar-gaaraysa ubadkeena ku dhashay faruurnaanta iyo dhanxanaga dhibaatada ka haysata, waa arin dhinac kale farxad ka ah oo Bulshadeena awoodooda dhaqaale kooban tahay ay helaan adeeg caafimaad oo lacg la’aan ah”.

    “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan intii kasoo shaqaysay hawshaas oo ay ugu horreeyaan Jaaliyadda Germany, dhakhaatiirta fulinaysa qaliinka, Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka
    cisbitaalka” Ayuu yiri Madaxweynuhu

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/268177347429966/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.