Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe+VIDEO
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dhismaha Waddooyinka waa weyn ee Puntland, gaar ahaan Dib-u-dhiska iyo Dayac-tirka Wadada Gaalkacyo-Garoowe iyo Boosaaso-Garoowe, isagoona sheegay in dhowaan uu fuliyo in la bilaabo.

    Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay maanta furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa sheegay in Dhismaha Wadada Boosaaso-Garoowe uu bilaabanayo horaanta bisha Nevembar ee soo socota, iyadoona ay ka cawinayaan Puntland Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/492385857980245/

    Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Guulo ka gaareen dib u soo celinta Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe, maadama horey uu u fashilmay, waxaana uu sheegay in Mashruuca cusub ee lagu dhisayo Wadadan ay ka taageerayaan Midowga Yurub oo bixinaya 6 Milyan oo Yuuro iyo Santuukha Hormarinta Africa oo bixinaya 14 Milyan oo Dollar.

    Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay kala qeyb-qaataan Dowladda Hormarinta amniga iyo Dhaqaalaha Dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.