Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaana uu kormeeray Madaxweynuhu Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga, Wasaaradda Degaanka, Beeraha, iyo Isbedelka Cimilada iyo Xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Deni ayaa kormeerka uu ku sameeyey Xarumaha Wasaaraddaha iyo xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland muhiimaddiisu ahayd waxka ogaanshaha shaqooyinka muhiim ka ah ee ay xarumahaasi u hayaan shacabka Puntland iyo dowladdaba, waxaana uu Madaxweynuhu si qoto dheer uga xog waraystay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Wasaaraddaha iyo Hanti Dhawrka guud, isla’ markaana waxa uu la qaatay dhammaantood kulamo gaar ah oo ay xog ka siinayeen shaqooyinkooda.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray maanta xarumaha Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland, waxaa ku sugnaa dhammaan masuuliyiinta xarumaha iyo hawl wadeenadoodiiba.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

    ” Runtii shaqada Madaxweynuhu waxa ay u badnayd maanta kormeer, inuu arko shaqada dowladda habka ay u socoto, intuu soo magacaabay Xukuumadda cusub, taasi oo muujinaysa yididiilada iyo horusocodka, in la arko sida loo shaqaynayo, Wasaaradihii inuu arko, shaqaalihii inuu arko iyo sidii loo kala maarayn lahaa Wasaaradaha shaqo wadaagta ah iyo Wasaaraddaha laysku daray, sidaan u sheegnay khamiistii hore ee shirka Golaha Xukuumadda looga hadlay”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/382189219267200/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.