Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Kismaayo
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u u safro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) oo la filayo in la qabto maalmaha soo socda.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Waftiga Madaxweyne Deni ay Magaalada Boosaaso ka qaadi doonto Diyaaradda Jubbaland Airway, taas oo uu soo iibsaday Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaddib markii Xukuumadda Federaalka ay xayiraad aan kala sooc laheyn oo dhanka socdaalka ah ay saartay Degaanada Jubbaland

    Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo laโ€™aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.