Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Haweenka Gobolka Bari+VIDEO
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Haweenka Gobolka Bari+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar ka mid ah laamaha amniga iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

    Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn kulanka uu la qaatay haweenka uga warbixiyey qorshaha dowladda ee gobolka iyo guud ahaan haweenka Puntland, intaas ka dibna wuxuu Madaxweynuhu dhageystay qaar ka mid ah haweenka oo warbixin ka siiyey Madaxweynaha sida ay u shaqeeyaan, ayagoona sheegay in ay garab taagan yihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

    “Runtii sharaf weyn bay ii tahay in maanta kulankan qabsoomo waxa aan halkaan u imi oo isku aragnay waxaa ugu muhiimsan in aan iswaraysano xogta dhabta ah kala qaadano si aan meesha aan hadda joogno uga dhaqaaqno, haddaan xog la helin way adkaanaysaa wax qabad muuqda in uu qabsoomo, runtii haweenku waxa ay yihiin isku sheegi mayno marka laga tago in ay waalid, walaal iyo wax walba yihiin, haddana waa laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Madaxweynuhu

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/680724519089270/

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in haweenku ay door muuqda ku yeelan doonaan Xukuumadda.

    “Xukuumadda aan Madaxda ka ahay iyo dowladdanba ahmiyad gaar ah baan siin doonaa haweenka haddii Alle idmo anagoo u aragna in ay yihiin mustaqbalka biri oo muhiim ah, waxaan doonayaa in aan xogaha aan hayno idinla wadaagno dowladda si mug leh aad ugu qeyb qaadataan, waana caddeynayaa waxaad tiraahdeen haweenku xaggee ka tirsan yihiin?, haweenku Wasaaradaha oo dhan bay ka tirsan yihiin dowladdana laf-dhabar bay u yihiin”.

    “Waxaan idiin ballanqaadaynaa in aad talada dalka wax ku yeelataan idinkuna doorkiina aad qaadataan, xafiiskaygu idinkama xirna waan idinla tashan doonaa, laf-dhabar baa u tihiin dowladnimada aan rabno, waxaa la rabaa qeybaha bulshada ugu muhiimsan baa tihiine kaalintiina inaad qaadataan maamulka, difaaca iyo horumarka kaleba inaad ka qeyb qaadataan, gabdhaha ciidamada ah in doorkooda muuqdo iyo kuwa maamulkaba”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday haweenka in ay ka shaqeeyaan guud ahaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, lagana digtoonaado kala dilka iyo in si kale wax loogu sheego ayadoo duulaan lagu yahay nabadda iyo barwaaqada Puntland Alle ku galladay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.