Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 16, 2019Updated:April 16, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta.

    Munaasabadan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

    Madaxweyne Deni oo munaasabada Khudbad taariikhiga ah ka jeediyey ayaa si weyn uga warbixiyey guulaha safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo weftigiisa.

    “Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashto waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland hesho qawaaniin cad cad oo ilaalinaya cida maal gashanaysa iyo inaan mar-waliba xaq dhowrno dadka na maal gashanaya xuquuqda ay dalka soo galinayaan, anaga oo taa ka duulayna safarkii ugu horeeyey oo aan dibada ugu soo baxnaa dalka Imaaraadka ayuu noqday dabcan dalka Imaaraadka waa meesha saldhiga u ahaan jirtay dad Soomaaliyeed ee dhinaca ganacsiga khaasatan Puntland wax ku leeyihiin taariikh dheer oo soo jireen oo ah oo mudo dheer xiriirka ganacsi uu ahaa mid aad u weyn.”

    “Waxaa mudadii aan joognay Dalka Imaaraatka aan kawada hadalnay sidii loo ilaalin lahaa xiriirka qotada dheer, mudada dheer soo jirey in isbedelka yimaada uu saameyn ku yeelan shucuubta labada dal ganacsigooda iyo isku xirnaantooda, waxay si cad noogu balan qaadeen in ay aad u dhowrayaan ayna horumarinayaan, waxayaabaa ugu waaweyn aan kala hadalnay waxaa kamid ahaa in xoolihii Soomaaliya oo mudo xayirnaa in dib loo furo runtii waynaga ogolaadeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

    Madaxweyne Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankan uu la qaatay shirkadda DP-World, taasi oo dhisme iyo dib u dayactir ku samaynaysa dekedda xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaao

    “Sidaad og-tihiin, Puntland waxay heshiis la gashay DP-World si loo hurumariyo Dekedda Boosaaso, runtii kulan aad u fiican ayaanu la yeelanay Madaxda shirkadda DP-World, wuxuuna ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad, waxaanu ku heshiinay in sanad gudihii wixii caqabad ah meesha laga saaro iyo wixii hore u dhacay oo u dambeeyeen dilkii maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP-World oo runtii ahayd nabar aad u xanuun badan oo dilkiisu khatar galiyey maalgashiga Puntland, Wax kasta oo amniga dekeda lagu sugayana aan masuuliyadeeda qaadno.”

    “waxaanu rajaynaynaa heshiis labada dhinacba u cuntama oo isku dheeli tirma oo danaha Puntland iyo horumarkeeda ilaaliya uu sidaas ku dhaqan galo, haddi turxaan jirtana aanu xalino, wixii wanaaga ah ee heshiisku qorayana in ficil loo bedelo oo uusan hadal noqon waxaan rajaynayaa inuu isbedel dhaco”

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegey in ay dib u bilaamayso wadada isku xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taasi oo uu xusay inay halbowle u ahayd horumarka dalka oo dhan.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/2183112848440306/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.