Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Dalka Sweden (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Dalka Sweden (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019Updated:November 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

    Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

    Dhinaca kale safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xidhiidh wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.