Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK oo kulan yeeshay (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK oo kulan yeeshay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa gaaray magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, isagoona kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    Danjire Ben FenderĀ  iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, arrimaha Doorashooyinka Somaliland oo haatan khilaafyo badan ka taagan yihiin, iyo sidii Dowladda UK u kordhin laheyd taageerada ay siiso Somaliland ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, iyo Waxbarashada.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK ay isla soo qaadeen dib u soo celinta wada-hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aan qabsoomin tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, Somaliland ayaana u gudbisay safiirka dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka.

    Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Somaliland, oo ay ka dhexeyso wada-shaqeyn iyo xiriir dheer.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.