Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis qarsoodi ah ka gaaray Kiiska Badda+Warbixin
    Somalia

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis qarsoodi ah ka gaaray Kiiska Badda+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya heshiis ka gaareen Xiisadii labada dal eek u saabsaneed muranka Badda.

    Heshiiska Labada dhinac oo uu salka ka riixiyay Maamulka Donald Trump ee Mareykanka, ayaa lagu saxiixay Magaalada Nairobi, kaddib markii uu halkaas gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shir QM ay soo diyaarisay oo maanta furmay.

    “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagey caasimadda dalka Kenya ee Isniinta isagoo ka duulaya shirweynaha Qaramada Midoobay ee horumarinta. Laakiin wuxuu wadahadalo saddex geesood ah qarsoodi ah la yeelan doonaa saraakiisha ugu sareysa Mareykanka iyo Madaxweynaha Kenya oo ku saabsan arrimaha badda. Waxaa la filayaa inay dhammaystiraan qodobbada heshiiska” ayaa lagu yiri warbixin uu Wargeysku daabacay.

    Wargeyska Daily Nation ayaa sheegtay in Heshiiska labada dhinac ay ka gaareen muranka badda uu dhigayo in Kenya ay yeelato saami dhan 85% Keydka Saliida ee la xaqiijiyay in Biyaha lagu muransan yahay uu ku jiro, halka Kenya taa bedelkeeda ay Madaxweyne Farmaajo ka caawinayso in meesha laga saaro Natiijada Doorashadii Jubbaland iyo inay ku wareejinayso Dekedda Kismaayo.

    “Sida ku cad heshiiska, Soomaaliya waxay u iibsan doontaa Kenya ilaa 65% cadadka lagu muransan yahay ee Badweynta Hindiya iyadoo inta hartayna ay ku harsan tahay dhul-badeedka Soomaaliya. Taasi waxay kadhigi doontaa ku dhawaad ​​85% cadadka saliida la xaqiijiyay ee hoos yimaada Kenya, taas oo Nairobi u siineysa guul weyn wadahadalada” ayaa lagu yiri Warbixinta Wargeyska Daily Nation.

    “Taa bedelkeeda, Nairobi waxay ku qasbi doontaa Madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubbaland, wakiil ahaan, inuu bur buriyo natiijooyinka doorashadii dhowaan la isku khilaafsanaa isla markaana abaabuli doonta kuwo cusub oo hoos yimaada kormeerka Dowladda Federaalka. Kenya ayaa sidoo kale si dhakhso leh ugu wareejin doonta dekada magaalada Kismaayo dowladda federaalka. Taasi waa guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay Madaxweyne Farmaajo oo wajaheysa iska caabin sii kordheysa oo ka imaanaysa kooxaha gudaha”

    Wargeyska ayaa sheegay in Faa’idada ugu jirta Dowladda Mareykanka heshiiskan ay tahay in shirkadaha Saliidda Mareykanka ay kala wareegaan aagga shirkadaha Yurub, oo kala ah TOTAL iyo ENI, kooxaha Faransiiska iyo Talyaani, siday u kala horreeyaan.

    Ugu dambeyntii, Daily Nation ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay u ballan-qaaday Labada dhinac in Kiiskan si aamusan looga soo saari doono Maxkamadda ICJ, sidoo kalena la qarin doono maadama uu Kiiskan xasarad badan ka abuuri karro Soomaaliya.

    “Heshiiska lama shaacin doono iyadoo la tixgelinaayo xasaasiga uu u leeyahay kiiska labada dal. Taa bedelkeed, labada waddan waxay si aamusnaan leh uga saarayaan kiiska maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ) halkaas oo hadda lagu muransan yahay. Mareykanka ayaa dhowaan ka caawiyay labada waddan inay dib u dhigtaan dhageysiga illaa Juun 2020 si loogu oggolaado in wadahadalka qarsoodiga ah uu miro dhaliyo” ayuu lagu yiri warbixinta Wargeyska Daily Nation.

    Arrintan ayaa hadii ay dhabowdo u muuqata inay meesha ka saareyso kalsoonida sii yareynaysa ee loo hayo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona abuuri doonta Mawjado Siyaasadeed oo horeyba u muuqday inay bilowdeen, kuwaas oo ay dhinac socoto kalsooni darro sababi karta dhacdooyin aan la mahdin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.